Safiirka soomaaliya u fadhiya finland oo tacsi u diraya shacabka soomaaliyeed geeridii ku timid xildhibaan aadam buulle maxmed.

Helsinki:(SIC)-Tacsi Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Safiirka TFG u fadhiya dalka Finlandd Mudane Ali Qassim ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada, iyo  asxaabtii uu ka geeriyooday, Xildhibaan AadanBuulle Maxamed iyo sidoo kale dowlada iyo shacabka Soomaliyeed, waxaan leeyahay samir iyo iimaan allaha naga siiyo, waana ka xumahay sida foosha xun ee loogu dilay  mas,uu ka tisan  qaranka Soomaaliyeed, allah ha u naxariistee xildhibaan Aadan Buulle Maxamed.

Safiirka ayaa ku tilmaamay fal-dambiyeedkii lagu dilay Xildhibaan Aadan Buulle mid naxdin weyn ku reebay dowlada iyo shacabka Soomaliyeed qaas ahaan dadka reer Finland loona baahanyahay in si deg-deg ah cadaalada loo hor keenyo dambiilayaashii ka dambeeyay dilkii arxandarada ahaa ee loo geystay xildhibaan Aadan Buulle .

Safiirka  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay iska kaashadaan oo ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida si looga hortago fal-dambiyeedka dhaawacaya amniga iyo sumcada ummada Soomaliyeed.

Ugu dam’bayntii Mudane Ali Qassim  safiirka Soomaaliya u fadhiya Finland ayaa u duceeyay marxuun Aadan Buulle Maxamed in ilaahay jana fardoowsa ka waraabiyo ehelkii uu ka atagyna samir iyo iimaan uu ka siiyo

Abduqaadir Jamac Camow ( Carlo)

email: [email protected]

Somaliinfo kala soco warar dhex dhexaad ah had iyo jeer

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *